Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubeysan ay weerar ku qaaday isla markaana toogasho ku dishay Maamul iskuul iyo ku xigeenkiisa.
Falkan ayaa ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmad Heliwaa, kadib salaadii Maqrib, waxayna dadka degaanka sheegeen in Xaafada Suuqa Xoolaha lagu dilay Maamulihi Iskuulka Alfuraat iyo ku xigeenkiisa oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Xasan iyo Maxamuud Maxamed Xasan.
Dadka deegaanka, ayaa Mustaqbal u sheegay in raga la dilay ay xiligaasi ka rawaxeen Iskuulka, maadaama maanta xili shaqo ay u eheyd.
Wararka ayaa intaas ku daraya in labada mas’uul ee la dilay ay diideen in laga dhaco qalab ay wateen sida Laptop, Mobile-yo iyo qalab kale, iyadoo loo maleynayo in dilkaasi ay geysteen koox burcad ah oo goobta ka baxsatay.
Ciidamada amniga magaalada Muqdisho ayaa gaaray goobta falku ka dhacay iyadoo aan ku guuleysan inay soo qabtaan kooxdii fakaasi geysatay.