Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu dilay Abwaan ka tirsanaa Kooxda Hobollada Qaranka, gaar ahaan kooxda ciidamada Booliska.
Dabley Bistoolado ku hubeysnaa ayaa galabta weerar ku qaaday Allaha u naxariistee Abwaan Baashi Macalin Maxamuud kaasi oo ka mid ahaa kooxda Heegan ee ciidamada Booliska, ahaan sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska, wuxuuna dilka ka dhacay xaafadda Arjentin, degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Dadka degaanka ayaa sheegay in abwaanka lagu toogtay agagaarka Gurigiisa, iyagoo ay baxsadeen dableydii dilkiisa geysatay, waxaana markii dambe goobta tegay ciidamada Amniga.
Ma jirto weli cid sheegatay dilka Abwaanka, iyadoo Hay’adaha Amniga aysan wax war ah kasoo saarin falkan.
WAR CUSUB HOOS KA AKHRISO