Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox bistoolado ku hubeysan ayaa saakay fal dil ah ka geysteen degaanka Ex-koontorool Afgooye.
Kooxdan ayaa weerar ku qaaday Guriga nin ganacsade ah oo la sheegay inuu ka mid ahaa dadka soo dejiya Baabuurta oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cismaan Afrax (Cabdi Biifane), iyagoo toogtay, waxaana sidoo kale ay dhaawacmeen gabar u dhalay.
Wararka ayaa sheegay in ganacsatada uu goobta ku geeriyooday, waxaana rasaasta ku dhaawacmay gabar uu dhalay oo isbitaal loola cararray , waxaana goobta ka baxsaday dableyda weerarka qaaday.
Waxaa markii danbe halkaasi gaaray ciidamada amniga oo aan ku guuleysan inay ka daba tagaan kooxdii falkaasi geysatay, waxaan dilka ganacsadaha sheegtay kooxda Alshabab.