Friday, July 4, 2025

Koox Hubeysan oo Saaka Dil qorsheysan ka fulisay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka uu dil qorsheysan ka dhacay degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxaa ka danbeeyay koox hubeysan oo weerar ku qaaday askari ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka oo ku sugnaa suuqa Beerta, degmada Xamarjajab oo u dho  xerada ciidanka Afasiyooni ee magaalada Muqdisho.

Dadka degaanka ayaa sheegay in askariga la dilay oo ahaa Boolis ayaa lagu magacaabi jiray Mahad Gudhuu, isagoo ilaalo ka ahaa ilaalada barta kontorool ee ku taalla Suuqa Beerta.

Dableyda weerarka ku qaaday askariga oo ahaa laba dhalinyaro ah ayaa rasaas ku furay askariga oo ahaa nin da weyn oo degaankaasi caan ka ahaa, waxayna goobta ka baxsadeen markii ay toogteen askariga.

Dilalka qorsheysan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kala sheegtay kooxaha Alshabaab iyo Daacish, iyadoo hay’adaha amniga wax ka qaban waayeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON