Weerar khaarijin ah oo ka dhacay Caawa magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay sarkaal ka trisanaa ciidamada dowladda.
Koox hubeysan ayaa dilkan ka geysatay xaafada Silliga Mareykanka ee degmada Wadajir, waxaana sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Mursal (Maxamed Yare) ay ku fureen rasaas dhowr ah.
Sarkaalka ayaa goobta ku geeriyooday, waxaana isla markiiba goobta ka baxsatay kooxdii dilka geystay, markaas kadib oo ay gaareen ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo howlgall ka sameeyay xaafadda dilku ka dhacay.
Ma jirto cid sheegatay dilkaasi, laakiin ururka Alshabaab ayaa aalaaba sheegta inuu ka dambeeyo dilalka khaarijinta ah ee lagula kaco saraakiisha dowlada.