Thursday, June 26, 2025

Koox hubeysan oo Weerar ku dhaawacday Sheekh Caan ka ah Magaalada Jowhar & Wiilkiisa oo la dilay

Koox hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Guriga Sheekh Caan ah oo ku yaalla xaafadda Buulo-sheekh ee magaalada Jowhar, iyagoo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Weerarka ayaa xalay lagu qaaday Guriga Sheekh Saabit oo caan ka ah magaalada, kana soo jeeda Sheekh Ooyaaye, kasoo la sheegay in lagu dhaawacay weerarka, waxaana sidoo kale ku dhintay wiil uu shalay oo dhaawac culus soo gaaray, kaasoo lagu magacaabo Sheekh Muxyadiin.

Wararka laga helayo Jowhar ayaa sheegay in Sheekha la dhaawacay uu waday siyaaradii Sheekh Ooyaaye oo Gurigiisa lagu qabanayey, wuxuuna farriimo digniin ah ka helay kooxda Alshabaab oo sidoo kale ugu yeertay dacwad ku saabsan beer lagu heystay oo uu diiday inuu tago Maxkamadooda.

Siyaarada Sheekh Ooyaaye aya muddooyinkii danbe si aan joogto ahayn uga dhici jirtay magaalada Jowhar, waxaana halkaasi ku yaalla Qabriga Sheekhaasi oo magaalada Jowhar. xaafadda Buulo-Sheekh lagu siyaarto, arrintaas oo ay si weyn uga horjeedaan kooxda Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON