Monday, July 14, 2025

Koox hubeysan oo Weerar sababay Dhimasho iyo dhaaawac ka geysatay magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen dad shacab ah meel u dhow Isgosyska Baar Ubax, Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir.

Koox ku hubeysnaa bistoolado ayaa rasaas ku furtay laba qof oo la sheegay inay ka mid ahaayeen Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo waqtigaas ku sii jeeday Masjid ku yaala Isgoyska Baar Ubax, iyadoo halkaasi uu ku dhintay qof mid kalena ku dhaawacmay.

Ninka weerarkaasi lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Daahir Nuur Karaane, halka uu dhaawacmay qof kale oo magacsiisa lagu sheegay Gurey oo ka midh ilaaladda Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Waxaa kaloo rasaasta ku dhaawacmay haweeney.

Ciidamada Booliska iyo saraakiil ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay, waxayna socda ka bilaabeen baaritaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON