Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox bistoolado ku hubeysan ay galabta fal dil ah u geysteen Oday nabadoon ahaa.
Dilka ayaa ka dhacay Waaxda Saddexaad ee xaafadda Dabaqeynka, degmada Dharkeynley, magaalada Muqdisho; waxaana dadka degaanka laga soo xigtay in laba dhalinyaro ah ay toogteen Nabadoon Sheekh Saleebaan Abiikar Fooldheere oo goobta ku geeriyooday.
Nabadoonka la dilay ayaa la sheegay inuu ka mida haa ergooyinkii doortay xildhibaannada Baralmaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu caan ka ahaa degmada Dharkeynley.
Dilkan ayaa ka mida falal khaarijin ah oo si weyn ugu soo kordhay magaalada Muqdisho bishan Ramadaan, waxaana inta badan sheegta kooxda Alshabaab.