Sunday, July 13, 2025

Koox Weerar ku qaaday Degaanka Xawaadley ee degmada Balcad (Taliyae la d haawacay & Gaari la gubay)

Koox hubeysan oo aan la garaneyn ayaa xalay weerar ku qaaday degaanka Xawaadley ee degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Weerarka oo dhacay xalay saqdii dhexe kadib ayaa socday muddo ku dhow laba saacadood, waxaana weerarkasi lagu dhaawacay taliyaha ciidamada degaanka Xawaadley, iyadoo lagu gubay Gaari ay lahayd maxkamadda degmada Balcad oo halkaas u tegay dacwad ku saabsan dhaxal.

Gudoomiyaha degaanka Xawaadley C/laahi Macaani Adeerow ayaa sheegay in weerarku ku socday  mudo Laba saacadood, islamarkaana aysan ogeyn cidda soo qaaday iyo ujeedkooda, markii danbena ay isaga tageen.

Gurmad laga sugayay degmada Balcad ayaan ilaa saaka gaarin halkaasi, iyadoo ay xaaladda degan tahay, waxaase degaanka Xawaadley laga dareemayaa cabsi ku saabsan amni darro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON