Thursday, June 26, 2025

Kooxda Alshabaab oo saacado dagaal kula wareegtay Waajid & Ciidamada Itoobiya oo goobjoog ka noqday

Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu degmada Waajid ku dhex maray ciidamada maamulka K/Galbeed iyo kuwa Alshabaab.

War ay baahiyeen warbaahinta Alshabaab ayaa lagu sheegay in kooxda Alshabaab la wareegtay degmada Waajid ee Gobolka Bakool, kadib weerar xalay saqdii dhexe ay ku ekeeyeen degmadaaasi.

Dagaalka oo ahaa mid aad u culus ayaa la sheegay inay ka qeyb galeen boqolaal ka tirsan maleeshiyada Alshabab, iyagoo dhowr jiho ka weeraray magaaladaasi. Dagaalka ayaan wax tallaabo ah qaadan, iyagoo goobjoog ka ahaa sida dagaalku u dhacay, waxayna ku sugnaayeen saldhiggooda ku yaala magaalada. Kooxda Alshabaab ayaan iyaduna weerarin saldhigga ciidamada Itoobiya.

Alshabaab ayaa sheegatay inay la wareegeen qeybo ka mida degmada Waajid, marka laga reebo saldhigga ciidamada Itoobiya ee Waajid iyo degaanka uu ku yaallo. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay maleeshiyada Alshabaab dib uga baxeen Waajid.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inaysan Alshabaab soo gelin Waajid, balse ay u soo dhowaadeen. Dadka degaanka ayaa sheegay in askar ka badan 5 dagaalka looga dilay degaalka.

Arrintan ayaa la yaab ku noqotay dadka kadib markii ciidamada Itoobiya ay wax tallaabo ah qaadin intii uu socday dagaal saacad ka badan dhex marayay ciidamada dowladda iyo Alshabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON