Kooxda Alshabaab ayaa fulisay dilal toogasho ah oo ka dhacay degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
Laba nin ayaa fagaare ku yaalla degmada Jamaame ay ku toogteen Al-shabaab, iyadoo lagu eedeeyayn inay yihiin Basaasiinu shaqeeya Kenya maamulka Jubbaland.
Garsooraha Maxkamadda Jamaame ee Al-shabaab ayaa Xukunkaan ku dhawaaqay, waxaana la sheegay inay qirteen dembiyada loo heystay, isla markaana lagu xukumay dil.
Labada oo la toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray: Ibraahim Abuukar Farxaan oo 27 sano jir iyo Siidii Axmed Muxamed Maadey oo 26 sano jir.
Falalka dilalka ah ee ay fuliso kooxda Alshabaab ayaa inta badan ah kuwo la sheego in dadka lasoo eedeeyay ay qirtaan iyado aanay jirin cid u dooda.