Tuesday, June 24, 2025

Kooxda Alshabaab oo Gaadiid xamuul siday ku gubtay Duleedka Degmada Afgooye

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in maleeshiyada Alshabaab ay gubeen gadiid ay leeyihiin dad shacab ah oo dhuxul u soo siday degmada Afgooye.

Gaadiidkan oo gaaraya 7 oo ah nooca N. 3 ayaa siday dhuxul, waxaana falkan uu ka dahcay duleedka magaalada afgooye degaanka lagu magacaabo ‘Doonka’  oo u dhow degmada Afgooye, waxaana markaas kadib goobta gaaray ciidamada milateriga dowladda oo kadibna isaga laabtay sida ay sheegeen dadkii lahaa gaadiidka.

Gaadiidkan ayaa la sheegay inay ka imaadeen degmada Wanlaweyn, kadib markii ay xalay xilli danbe oo u dhow salaadii subax ay weerar ku qaadeen oo ay dab qabadsiiyeen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON