Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in degaanada Caad iyo Camaara oo ka tirsan ay Al shabaab gelinkii dambe ee shalay ku rasaaseeyeen Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah.
Gaarigan oo ku socday wadada isku xirta Caad iyo Camaara oo Shabaab difaac ay kaga jiraan ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen Gaariga sahcabka, tasoo dhalisay inay dhintaan laba gabdhood oo wada dhashay oo rasaastii ay haleeleen.
Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay labada gabdhood ee Shabaab ay dileen inay saarnaayeen gaariga ka ambabaxay magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday dhanka magaalada Cadaado.
Shabaabka ayaa markii ay rasaasta ku fureen gaariga oo dadkii ay qayliyeen oo la joojiyay Baaburka ayay Shabaabka ogaadeen in gaariga ay saarnaayeen dad shacab ah oo aanan qeyb ka aheyn dagaalka.