Kooxda Alshabaab ayaa ku hanjabtay inay sii kordhin doonto weerarada ay ku fulineyso magaalada Muqdisho xiligan doorashada madaxweynaha lagu mashquulsan yahay.
Cali Maxamed Xuseen (Cal jabal) oo gobolka Banaadir u qaabilsan ayaa idaacadda Alshabaab u sheegay inay qorteen shaqaale firfircoon oo ka qeyb qaadan doona weerarada la xoojiyay ee magaalada Muqdisho.
Wuxuu ku hanjabay in la sii xoojin doono weerarada lagu beegsanayo caddowga sida uu yiri, wuxuuna sii raaciyay in meel kasta lagu beegsanayo xarumaha dowladda.
Alshabaab ayaa dhowaanahan weeraro waaweyn ka geysanayay magaalada Muqdisho iyo saldhigyada ciidamada AMISOM.
Goobjooge.com