Sunday, July 13, 2025

Kooxda Alshabaab oo la wareegtay tuullooyin ka tirsan degmada Balcad & Cabsi ka taagan Magaaladasi

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay in maleeshiyada kooxda Alshabaab ay la wareegeen tuullooyin ka tirsan degmad Balcad, iyadoo xaalad kacsan laga so weriyay magaalada Balcad.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa la wareegay maanta tuullooyinka Dhagaxow, Yaaqle, Muki-dheere iyo degaanada la xiriirta, waxaana halkaasi isaga baxay maleeshiyo degaanka ah oo taageersan maamulka degmada Balcad ee Hirshabealle.

Tuulooyinka oo saaran webiga Shabelle ayaa la sheegay in dadka ku nool ay Alshabaab isugu keeneen fagaarayaal ay kula hadleen iyadoo uga digay inay la shaqeeyaan ama ay xog siiyaan ciidamada dowladda iyo maleeshiyada taabacsan.

Alshabaab ayaa maxaabiis ku xirnaa tuullooyinka ay qabsadeen sii daayey, waxayna dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan degaanada ay maanta la wareegeen oo qaarkood xarunta degmada Balcad u jiraan in ka yar 15 KM, taasoo cabsi ku dhalisay  dadka ku nool magaalada Balcad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON