Wednesday, June 25, 2025

Kooxda Alshabaab oo odayaal ku gowracday degaan ka tirsan Gobolka Bay

Kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inay odayaal ku gowracday degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay, kadib markii halkaasi dagaalo ku dhex mareen ciidamada dowladda ee Koonfur galbeed iyo Alshabaab.

Wararka ayaa sheegaya odayaasha la gowracay ay yihiin laba oday oo Al-shabaab ay hore uga wateen degaankaasi.

Sida uu xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koofur Galbeed Xasan Cabdi waxaa odayaasha ay Alshabaab gowraceen ay ka mid ahaayeen odayaasha degaanka, waxayna ku sameeyeen fal qoor goyn ah, waxayna meydkooda soo dhigeen duleedka  degaanka Goof-gaduud.

Goof-gaduud oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada Maamulka Koofur Galbeed, ayaa xaaladeeda ay tahay mid kacsan iyadoo aanay Alshabaab ka fogeyn degaankaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON