Warbaahinta taabacsan kooxda Alshabaab ayaa baahisay inay dileen wiil u u dhalay Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii Alshabaab, haddana ka barbar dagaalamaya ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dagaal ka dhacay degaanka Abal ee gobolka Bakool ayay sheegtay ALshabaab inuu dhex maray ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Maleeshiyaad daacad u ah Mukhtaar Roobow, halkaasoo lagu dilay Saraakii iyo wiil uu dhalay Sheekh Roobow oo lagu magacaabo Cabdullaahi Mukhtaar Rooboow.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka K/Galbeed oo ku saabsan arrintan, iyadoo warkan uu ku kooban yahay warbaahinta taageerta Alshabaab.