Wararka laga helayo magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay Galabta weerar rogaal celis ah kusoo qaaday magaalada, kadib markii ay maanta isag baxeen xaafadihii ay ku sugnaayeen ee magaaladaasi.
Warark ayaa sheegay in maleeshiyada Alshabaab aya dagaal kula galeen magaalada iyo duleedkeeda ciidamadii milateriga ee maanta gaaray magaalada Marka, kuwaasoo uu wato Abaanduulihii hore ee ciidamada milateriga Jeneraal C/llaahi Cali Caanood.
Alshabaab ayaa sheegatay in dagaalkii galabta kadib ay dib u qabsatay magaalada Marka, laakiin ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan oo ka hadlaya sheegashada Alshabaab.
Maanta ayay ahayd markii ciidamo Milateri ah oo uu hoggaaminayo Jen. Caanood ay la wareegeen magaalada, iyadoo ay Alshabaab isaga baxeen xaafadaha ay kaga sugnaayeen magaalada Marka.