Tuesday, July 8, 2025

Kooxda Alshabaab oo toogasho ku fulisay Ajaaniib ka tirsaneyd ururkooda

Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay toogasho ku dishay xubno ka tirsanaa kooxda oo ajnabi ah.

Dilkan ayaa ka dhacay degmada Jilib, waxaana la sheegay in lagu khaarijiyay  labo nin Hindi, kuwaasoo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Labadan nin ayaa la sheegay in Alshabaab uga shakiyeen inay gacansaar la leeyihiin Sirdoonka Mareykanka. Halka warar kale sheegayaan inay isku dayeen inay ku biiraan kooxda Daacish.

Alshabaab ayaa inta badan falal dil ah ku fuliya xubnaha ka tirsan ee isku daya inay ururro kale ku biiraan ama looga shakiyo inay xiriir la yeesheen sirdoonka dowladda iyo dalalka kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON