Monday, June 23, 2025

Kooxda Alshabaab oo toogasho ku fulisay Sarkaal looga shakiyey inuu xiriir la leeyahay Daacish

Kooxda Alshabaab ayaa bilowday inay  xukuuno toogasho ah ku fuliyaan  xubnaha ka tirsan Daacish ee gacanta ay ku dhigaan.

Sida ay baahisay warbaahinta Alshabaab waxaa Magaalada Bu’aalle ee gobolka Jubbadda dhexe ka dhacay lagu toogtay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Daacish, kaasoo lagu  magacaabi jiray Yaxye Xaaji Fiile [Abu Zakariye].

Falkan ayaa yimid markii ay Sirdoonka Al-Shabaab soo qabteen ninkan, kuna tuhmeen inuu xiriir la lahaa ururuka Daacish, qeybtiisa Somalia, Abu Zakariye ayaa hore khilaafeen u dhex maray Al-Shabaab markii uu dilay hogaamiye ka tirsanaa Daacish oo lagu magacaabi jiray Bashiir Abu Nucmaan sanadkii 2016-kii.

Ad

Wadahadal dheer kadib ayaa la sheegay inuu dib ugu laabtey Al-Shabaab, oo markii hore ka cararay, balse waxaa looga shakiyey inuu la shaqeeyo Daacish, una basaaso.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON