Wararka laga helayo Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaan ay weerar culus ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in goobta weerarka ka dhacay ay tahay magacaabo duleedka degmada Balcad ku yaalla, halkaasoo ay ku taallo bohol ay Alshabaab u galaan ciidamada dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in qasaare badan halkaasi ka dhacay iyadoo gurmad loo diray saldhigga cidiamada dowladda ee la weeraray.