Thursday, June 26, 2025

Kooxda Alshabaab oo Wiil yar iyo Oday Ganacsade ahaa ku dishay Gobolka Bakool

Wararka laga helayo gobolka Bakook ayaa sheegaya in rag hubeysan ay duhurnimadii maanta laba qof oo rayid ah ku dileen degaanka Maareeyaha oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Labada qof ee la dilay ayaa kala ahaa nin oday ah oo khudaar geyn jiray magaalada Xudur. Ninkan ayaa la dilay isagoo saaran mooto bajaaj uu ku tegi jiray magaalada Xudur. Qofka kale ee la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa wiil yar oo 12 sano jir ahaa.

Lama oga sababta loodilay ninka khudaarta ka ganacsanayay iyo wiilka yar laakin qaar ka mida ehelada dhibanayaasha ayaa dilkaani ku eedeeyay kooxda Al Shabaab oo go’doon ku heysta magaaladaasi. Magaalada Xudur waxay kamid tahay magaalooyinka ay go’doomiyeen kooxda Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa hore uu gubay gaadiid xamuul oo badeeco kala duwan u waday dadka ku nool magaalada Xudur ee gobolka Bakool. Sidoo kale waxay horay u dileen ganacsato raashin geyn jirtay halkaas.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON