Kooxda khilaafada islaamiga ah ee Daacish ayaa shaacisay inay iyadu ka danbeysay laba qof oo toogasho lagu dilay magaalada Muqdisho.
Daacish ayaa soo bandhigtay muuqaal video ah oo muujinaya khaarijinta laba ka mida Shaqaallaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya, waxayna ku sheegay in labada ka mid ahaayeen shaqaalaha dowladda oo ay beegsadeen xubno ka mida askarteeda.
Sawirrada ay faafisay Daacisah ayaa waxaa ka muuqda rag Bastoolad ku hubeysan oo dilaya labada ruux oo dhulka yaalla, kuwaasoo ka mid ahaa shaqaallaha Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Soomaaliya.