Sunday, July 13, 2025

Kooxda Daacish oo War kasoo saartay Dilka Wiil Dhalinyaro ah oo lagu toogtay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Kooxda Daacish ee khilaafada islaamiga ayaa shaacisay inay ka danbeysan dil Galabta ka dhacay Suuqa Bakaaraha, magaalada Muqdisho.

Dilkan oo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo suuqleyda Bakaaraha ka mida ayaa ka dhacay qeybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, waxaana fuliyay saddex nin oo ku hubeysnaa Bistoolado, iyagoo markii ay dileen wiilka kadib ka duubay muuqaal Video ah.

War kasoo baxay Wakaalada Wararka Daacish ee ACMAAQ ayaa lagu sheegay inay dil ku fuliyeen mid ka mida ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, iyadoo toogasho lagu dilay, waxayna arrintan caddeyn u tahay inay sii kordhayaan howlgallada Daacish ee Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON