Kooxda Manchester City ayaa loo caleemo saaray horyaalka Dalka Ingiriiska, kadib markii kooxda kaalinta labaad ku jiray ee Manchester United guuldarro kala kulantay kooxda ugu hooseysa horyaalka ee West Brom.
Man City ayaa urursatay dhibco dhan 87, waxayna horyaalka Ingiriiska ee sanadkan qaaday iyadoo ay ka harsan yihiin 5 kulan , waxayna 16 dhibcood ka sareysay kooxda Man united ee kaalinta labaad ku jirtay, kuna soo xigtay.
Tababarraha kooxda Pep Guardiola aya sheegayi nuu si weyn ugu faraxsan yahay horyaalka ay qaadeen. Kooxda Man City ayaa ilaa iminka xilli ciyaareedkan dhalisay 93 gool.