Monday, July 14, 2025

Kooxda ololaha Musharax Farmaajo oo tallaabooyin aan hore loo arag ka sameeyay Muqdisho

Kooxda ololaha musharaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tallaabooyin aan hore loo arag ka sameeyay magaalada Muqdisho.

Kooxdan oo diyaar garow weyn ugu jirta soo dhoweynta musharaxooda ayaa dhaqdhaqaaqooda laga dareemay caasimadda Soomaaliya wixii ka dambeeyay sabtidii toddobaadkan oo sawiradiisa lagu arkay qaar ka mida wadooyinka Muqdisho.

Arrimaha cusub ee kooxda wada ololaha musharax Farmaajo la yimaadeen waxaa ka mida:

  1. Heeso wadani ah iyo khudbooyinka Farmaajo oo lagu wareejinayo gawaari sameecado waaweyn ku xiran yihiin oo wareegaya wadooyinka.
  2. Sawirrada musharax oo lagu qeybiynayo wadooyinka, xerooyinka barakacayaasha iyo goobaha  dadku isugu yimaadaan.
  3. Dadka masaakiinta, siiba naafada, caruurta iyo barakacayaasha oo lagu sawirayo  sawirrada musharaxa Farmaajo.
  4. Ururinta iyo abaabulka dadka wadooyinka jooga oo gaadiid kala duwan lagu daabulo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xerooyinka barakacayaasha ay tagaan kooxda ololaha Farmaajo oo ay lacago min hal doolar ah siiyaan dadka si ay ugu bannaanbaxaan taageerada Farmaajo.

Dadka qaarkii ayaa si weyn u naqdiyay qaabka ay kooxda ololaha musharaxan u wax u wadaan siiba adeegsida dadka masaakiinta ah iy kuwa taagta darran oo looga faa’iideysanayo olole aanay wax cod ah ku lahayn iyo qaabka taageerada dadka lagu raadinayo.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON