Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa shegaya in falal dil ah ay caawa ka dhaceen xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho.
Falalka toogashada ah ayaa ayaa ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan, waxaana lagu dilay dad kala duwan, iyadoo dilka hore uu ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid, iyadoo koox Bistoolado ku hubeysan ay halkaasi toogasho ku dileen laba wiil oo dhalinyaro ah, kadibna goobta ka baxsadeen.
Falka dilka ah ee labaad ayaa ka dhacay Degmada Kaaraan, waxaana halkaasi lagu dilay Darawal Gaari BL ah oo wararku sheegayaan inuu dilka geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo baxsaday markii uu falka geystay.
Magaalada Muqdisho ayaa Ramadaankan noqoneysa bishii tirada ugu badan laga fuliyo dilalka khaarijinta ah.