Monday, June 23, 2025

Kormeerayaashii Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada Somalia oo ka baxay degaanada Hirshabelle

Kormeerayaasha Imtixaanka Shahaadiga ee dowladda Soomaaliya oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa ka baxay degaanada maamulka Hirshabeelle, kadib markii Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare uu dhowaan ka dalbaday inay isaga tagaan degaanada maamulkiisa.

Wararka ayaa sheegay in saraakiishii imtixaanaadka ay ka tageen magaalooyinka Beledweyne, Jowhar, Balcad, Buulo-Burde iyo degaano kale oo ka tiran Hirshabelle, iyagoo dib ugu laabtay Magalada Muqdisho, lama oga inuu imtixaan ka dhici doono degaanadaasi, iyadoo imtixaan cusub ay ku dhawaaqday Wasaaradda Waxbarashada 27-ka Bishan May.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Guddi ka kooban 11 xubnood oo ku howlan go’aan ka gaarista imtixaanka deegaanda Hirshabeelle.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON