Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus u diray Xukuumadda Soomaaliya iyo maamul Goboleeyada dalka ka jira.
Ku-simaha Guddoomiyaha Bararlamaanka C/weli Ibraahim Muudey ayaa ku adkeystay in sharci iyo heshiiyo la gaaro iyadoo aan la soo marsiin Golaha shacabka aysan socon doonin, wuxuuna arrintan uga digay xukuumadda iyo maamul Goboleedyada oo dhowaanahan sharciyo iyo heshiisyo iskood ah gaarayey.
“Waxaan maqleynay in Xukuumadda iyo dowlada goboleedyada oo sameynaya qaabkii doorashada noqon lahayd 2020-ka, wixii aan soo marin golayaasha sharci ma noqon doonaan, ma ogaalneyno in la iska socda oo wixii la rabo la sameyso.. xukuumadda waxaad leenahay bilowga ayaad leedihiin ee dhammaada annagaa leh, haddii aan sidaas nagula shaqeyn weysaan shaqo ayaan idiknka qabaneynaa..” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey.
C/weli Muudey ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay guddiyo ka kala socday maamul Goboleedka oo looga hadlayey dib u eegista dastuurka KMG ah.
DHAGEYSO