Madaxweynaha KMG ah ee maamulka K/Galbeed, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi C/qaadir Shariif Sheekhunaa ayaa amarro dul dhigay wasiirada maamulka waqtigiisu dhammaaday ee K/Galbeed.
Wasiiradan oo ahaa kuwii Golihii Wasiirada Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilka iska casilay ayaa lagu amray inay soo gudbiyaan qoraal ku saabsan liiska agabka ee wasaarad kasta heyso, taasoo laga doonayo inay ku diiwaan geliyaan hantida Wasaaradaha maamulkaasi gacanta ku hayaan.
Kulan aan caadi ahayn oo maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed oo uu guddoominayey sii-hayaha Madaxweynaha ayaa lagu amray wasaarad kasta in wixii agab ah ay hayso, iyadoo qoraal ahaan ah u keenaan xafiiska Madaxweynaha KGS si xiligan kala guurka ah aysan u dhicin ku takrifal awoodeed.
Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlaayay sidii loo dardargalin lahaa howlaha maamulka tan iyo inta Madaxweynaha cusub ee la doortaa uu xilka la wareegayo, iyadoo la magacaabayo xubnaha iska casilay Guddiga doorashada madaxweynaha maamulka K/Galbeed.