Sunday, July 13, 2025

Kulamadii Baarlamaanka Federaalka oo Saddex Toddobaad la hakiyay iyo Sababta

Kulamadii Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kalfadhigiisa saddexaad ayaa muddo saddex toddobaad la hakiyay maanta.

Go’aankan ayaa kasoo baxay shir ay yeesheen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka, kaasoo uu guddpoominayey Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kaasoo ajandihiisu ahaa hakinta fadhiga golaha inta lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka iyo fasaxa Ciidda iyo ajandeynta warbixinnada la xisaabtanka Xukuumadda.

Waxaa la go’aamiyay in la hakiyo fadhiga Golaha laga bilaabo maalinta Sabtida ah oo ku beegan 17-Juun 2023-ka, isla-markaana dib loo furi doono 5-ta Bisha Luuliyo ee sanadkan.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay in Xukuumadda Federaalka ay soo gudbiso xisaab xirka miisaaniyadda ugu dambeyn 30-ka Juun, si waafaqsan Qodobka 102aad Faqradda 1aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON