Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saacado qaatay oo adag la yeeshay Guddiga Baarlamaanka Federaalka u saaray arrinta heshiiska qaabka doorashada Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay Villa Hargeysa ayaa ahaa mid uu dalbaday, isla markaana xaruntooda ugu tegay Guddiga madaxweynaha oo doonayay inuu wax ka ogaado heerka ay mareyso howsha guddiga, wuxuuna ka codsaday inay dejdejiyaan howsha.
“Madaxda dowladda dhexe iyo madaxda maamulada waxay isku soo raaceen hannaanka doorashada, waxaa lagama maarmaan noqotey sida sharcigu qabo, in idinkuna aad talo ka dhiibataan, ugu dambeyntiina aad ansixisaan si loo helo hannaan sharciyad dhammeystiran leh” ayuu yiri Madaxweynaha.
Kulankan gaarka ah waxaa sidoo kale ku sugnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Cusmaan Jawaari.
Arrintan ayaa timid kadib markii culeys ka yimid beesha caalamka oo cabsi ka qabta inuu dib u dhac ku yimaado doorashada 2o16, waxayna farriin kulul u soo dirtay Baarlamaanka Federaalka.
Goobjooge.com