Sunday, July 13, 2025

Kulan degdeg ah oo la isugu yeeray Baarlamaanka Galmudug & Xildhibaannadii Ahlu suna oo qaarkood..

Waxaa goor dhoweyd kulan degdeg ah la isugu yeeray Baarlamaanka Galmudug, kadib farriimo loo diray xildhibaannada oo lagu wargeliyey inuu jiro kulanka Baaramaanka.

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in kulankan looga hadli doono diyaarinta xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo Dhismaha Gudiyadda Anshaxa ee Gollaha oo hordhac u ah sidii tallaabo looga qaadi xildhibaannda Ahlu suna soo magacawday oo intooda badan ka maqan fadhiyada Baarlamaanka.

Lama shaacin ajendaha kulanka degdega ah ee maanta loogu yeeray Baarlamaanka Galmudug, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in xildhibaannadii Ahlu suna ay qaarkood ka qeybgelin doonaan shirkan, kadib markii loogu hanjabay inay xildhibaanno cusub lagu bedeli doono haddii ay soo xaadiri waayeen fadhiyada Baarlamaanka.

Madaxda Ahlu suna sida Sheekh Maxamed Shaakir iyo Macalin Maxamuud ayaa dhinacooda dhaqdhaqaaq ka wada Magaalada Dhuusamareeb iyadoo la sheegay inay isugu yeereen xildhibaannadii Baarlamaankii hore ee Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON