Monday, July 14, 2025

Kulan dhex maray Madaxweyne Farmaajo & Dhaxal-sugaha Imaaraadka [Maxaa kasoo baxay?]

Dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta  iyo ku xigeenkaTaliyaha ciidamada dalkaasi Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa Qasriga Baxr ee magaalada Abu Dhabi ku qaabilay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dalkaasi booqanaya.

Kulanka waxaa looga hadlay xiriirka labada dal, iyo xoojinta iskaashiga labada dal, iyadoo ay ka wadahadleen labada dhinac mashaariiicda Imaaraadku ka fuliyo Soomaaliya ee dib u dhiska iyo horumarinta isugu jira iyo deeqaha uu siiyo dadka Soomaaliyeed.

Wakaalada wararka Imaaraadka ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya u bandhigay dhaxal sugaha qorshaha dowladiisa ee la dagaalkanka argagixisad iyo dib u soo celinta ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Imaaraadka taageerada joogtada ah iyo kaalmada ay siiso Soomaaliya, iyadoo aan la iloobi karin ayuu yiri is barbartaagga Imaaraadka ee Soomaaliya xilliyada adag ee ay mareyso. wuxuuna mahad aan la koobi karin u celiyay hogaamiyeyaasha Imaaradka Carabta.

Dhaxal sugaha Imaaraadka ayaa dhinaciisa caddeeyay in dowladda Imaaraadka Carabta ee uu hogaaminayo Sheekh Khaliija Bin Zayid Al-nahyan ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya iyo kaalmeynta dib u dhiska hay’adaha dowliga ah si oo xoojiyo ammaanka iyo horumarinta.

Wuxuu  xaqiijiyay in Imaaraadku sii xoojin doonto xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya ayna taageereyso dadaalka madaxweyne Farmaajo ku doonayo soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Dhinaca Imaaraadka waxaa kulanka goobjooge ka ahaa wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Anwar Maxamd Qarqaash, ku xigeenka  xoghayaha guddiga sare ee Amniga Imaaradka, halka Soomaaliya ay goobjoog ahaayeen wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada C/qaadir Macalim iyo mas’uuliyiin kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON