Sunday, July 13, 2025

Kulan dhex maray RW Rooble iyo Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya (Taageero laga codsaday UAE)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Kulanka Ra’iisal wasaraaha iyo safiirka Imaaradka Maxamed Axmed Al-cuthmani ayaa looga wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Somaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidii loo xoojin lahaa.

Rooble ayaa ka codsaday inay Dowladda Imaaraadku kaalin ka geysato gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiga Shabeelle ee degaanada maamulka Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo nawaaxigeeda.

Waa kulankii ugu horeeyay ee dhex mara labada dhinac intii uu xumaaday xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka oo meel xun gaaray intii uu talada hayey Madaxweyne Maxmed C/llaahi Farmaajo.

May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 3 people and people standing

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON