Monday, June 23, 2025

Kulan dhex maray Safiirka dalka Qatar ee Somalia & Ku-simaha Madaxweynaha [Sawirro]

Guddoomiyaha golaha shacabka ahna Kusimaha Madaxweynaha Maxamed Mursal sheekh C/raxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya danjire  Xasan Xamza.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood iyo wada shaqeynta baarlamaanada labada dowladood ee Qadar iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa. Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza ayaa guddoomiyaha golaha shacabka kaga mahad celiyay sida diiran ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyay.

Safiirka Qatar ayaa balanqaaday inay dhinac waliba ka taageereyso Golaha shacabka, loona xoojin lahaa wadashaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Qatar. Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in dowladda Qadar ay kaalin weyn ka qaadaneyso hormarka dalka ka socda, isagoo uga mahadceliyay kaalinta ay uga jiraan taageerada Soomaaliya.

Ad

Guddoomiyaha ayaa safiirka kaga mahad celiyay dadaalada uu ku xoojinayo xiriirka labada dowladood iyo labada baarlamaan.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON