Thursday, June 26, 2025

Kulan Magaalada Muqdisho ku dhex maray Ras’iisal Wasaare Kheyre & Sheekh Maxamed Kenyaawi [Sawirro]

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali (Kenyaawi) oo ka mida culimada Soomaaliyeed.

Sheekha ayaa xafiiskiisa ugu tegay Ra’iisal wasaare Kheyre, ioagoo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho, isla markaana shalay kulan weyn oo wacyi gelin ah ku qabtay garoonka Koonis Stadiun ee caasimadda.

“Waxaan maanta xafiiskeyga igu soo booqday Sheekh Maxamed Ibraahim Cali Kenyaawi oo kamid ah culumada Soomaaliyeed. Waxa aan uga mahad celiyay ololaha Is-cafis ee uu ka billaabay dalka. Waa barnaamij ay bulshadeenu u baahnayd si aan dalkeena dib ugu dhisno”, ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in culimadu ay yihiin laf-dhabarta bulshada, ayna aad muhiim ugu tahay dalka in ay qaataan kaalintooda dib-u-heshiisiinta iyo wacyigelinta dadka.

Image may contain: 1 person, sitting, suit and indoor

Image may contain: 1 person, sitting, beard and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON