Wednesday, July 9, 2025

Kulanka Baarlamaanka oo maanta looga dooday Saxiixa Madaxweynaha ee Hindise Sharciyeedyada

Kulanka 20-aad kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka ayaa maanta mar kale loogu dooday wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen 141 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Qodobada ay xildhibaanada ka doodeen ayaa waxaa ka mid ahaa ilaalada madaxda imaaneysa xarunta golaha shacabka iyo hubka ay wataan, sidoo kale qodob ka hadlaayay waqtiga ay qaadaneyso saxiixa madaxweynaha ee la xiriira hindise sharciyeedyada loo gudbiyo iyo waqtiga xukuumadda ku soo gudbin karto hindise sharciyeed.

Xildhibaanada ayaa soo bandhigay talooyin iyo fikrado la xiriira qodobada ku jira xeer hoosaadka golaha shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in xildhibaanada loogu baahan yahay iney si taxadar leh u aqriyaan dhamaan xeer hoosaadka golaha shacabka.

Guddoomiye Mahad ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in si wadajir ah oo masuuliyad leh loogu doodo wax ka badalka xeer hoosaadka golaha lagu sameynayo.

“Waxaa soo jeedinaya in qodob qodob loo soo aqriyo xeer hoosaadka maadaama uu muhiim u yahay howlaha golaha, waxa idiinka codsanaya mudanayaal inad guddiga kala shaqeysaan sidii loo soo saari lahaa xeer hoosaad muhiim noo wada ah”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xeray ayaa sheegay in dooda xildhibaanada ay sii socon doonto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON