Thursday, June 26, 2025

Kulanka Madaxweynayaasha Mareykanka Trump & Kenya Uhuru Kenyatta oo 20 daqiiqo loo qoondeeyay

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Aqalka cad ee magaalada Washington kula kulmi doona dhiggiisa dalka Mareykanka Donald Trump.

Wafdi uu hoggaaminayo Uhuru Kenyatta ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Mareykanka, waxaana kulanka Uhuru iyo Trump loo qoondeeyay muddo 20 Daqiiqo oo kaliya, iyadoo markaas kadib ay kulmi doonaan wafdiyada labada dhinac ee Kenya iyo USA.

Lama oga sababta keenay in kulanka labada madaxweyne waqti yar lagu soo koobo, laakiin waxaa cad in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump aanu rabitaan badan u heynin madaxda Afrikaanka ah.

Madaxweynaha Kenya iyo wafdigiisa ayaa Aqalka Cad tegi doona 8:45 pm daqiiqo caawa xilliga Bariga Afrika, kadibna soo dhoweynta labada wafdi ka dib waxay labada madaxweyne ee Uhuru & Trump yeelan doonaan kulan gaara oo socon doona 8:55 pm ilaa 9:15 pm, markaasoo ay dib ugu soo biiri doonaan wafdiga labada dhinac kulanka u dhex mari doona.

Kenya ayaa ku rajo weyn ka qabta in duulimaadka tooska min New York ilaa Nairobi ee bilaabanaya bisha Oktoobar uu xoojin doono ganacsiga dalxiiska, iyadoo dalxiiska dalkaasi uu hoos u dhacay in muddo ah, kadib weerarradii Alshabaab.

Kenya ayaa loo arkaa saaxibka ugu muhiimsan ee Mareykanka marka ay timaado la dagaalanka aragagixisada ee gobolka bariga Afrika. Trump iyo Kenyatta ayaa sidoo kale ka wada hadli doonaa xoojinta iskaashiga arrimmaha ammaanka labada dal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON