Friday, June 27, 2025

Kulankii Baarlamaanka ee kalsooni siinta Ra’iisal wasaaraha oo dib u dhacay iyo Xaalad…

Kulankii la filayey inay Berri yeeshaan Baarlamaanka Federaalka oo la qorsheeyay in codka kalsoonida loogu qaado Ra’iisal wasaaraha cusub ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo ay saameyn ku yeesheen laba arrimood.

Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kulamo kala gaara la yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay kalsoonidooda siiyaan, wuxuuna heystaa ballanqaadyo badan, laakiin waxaa kulankii Berri uu dib ugu dhacay arrimo farsamo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ugu maqan dalka Imaaraadka Carabta ayaa saameyn ku yeeshey kulankii cod u qaadista Ra’iisal wasaaraha, waxaana socdaalka oo laba maalmood loogu talogalay uu hadda gaaray maalintii saddexaad, iyadoo aan la ogeyn xilliga uu dhammaan doono.

Dhinaca kale waxaa safar ugu maqan dalka Kenya guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo arrimo qoys halkaasi u tegay, waxaana arrintan ay saameyn kale ku yeelatay kulankii la qorsheynayey in Baarlamaanku kalsoonida ku siiyo Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON