Monday, July 7, 2025

Kulankii Baarlamaanka oo furmay & u Codeyntii Metelaadda G/Banaadir oo Dib u dhacday..

Waxaa furmay kulanka 9-aad Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka mida kalfadhiga 7-aad, iyadoo lagu waday in maan ta cod loo qaado metalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Kulanka oo ku furmay 174 xildhibaan waxaa shir guddoominaya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyadoo ajendaha uu yahay ka doodista xeerka matalaada gobolka banaadir iyo Ka-Doodista Xeerka Asteynta Kuraasta oo ah labada xeer oo ka dhiman dhameystirka Doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in cod u qaadistii metelaadda Gobolka Banaadir inay Aqalka Sare ku yeeshaan 13 xubnood ay dib u dhacday, iyadoo ay weli sodaan shirar doceedyo ku saabsan sidii beelaha kala duwan si hoose uga heshiin lahaayeen arrintan.

Kulanka Sabtida ee soo socda ayaa lagu wadaa in cod loo qaado metallaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka sare, iyadoo weli ay beelaha qaarkood diidan yihiin arrintan ama ay doonayaan inay qeyb ku yeeshaan xubnahan oo aan la ogeyn sida loo qeybin doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON