Kulan adag ayaa xarunta madaxtooyada ku dhex maray Madaxweynaha Soomalaiya iyo taliyeyaasha ciidamada dowladda ee kala duwan, kaasoo looga hadlay xaaladda ammaanka dalka, siina magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ahaa mid uu isugu yeeray madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb glaay taliyeyaasha kala ah:
Taliyaha Ciidamada Booliska
Taliyaha Nabadsugida
Taliyaha Milatariga xoogga dalka
Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka
iyo Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugidda ee Gobolka Banaadir.
Su’aalo adag oo ayuuMadaxweyne Farmaajo weydiiyay taliyeyaasha oo qaarkood ay ka jawaabi waayeen, waxaana su’aalaha ka mid ahaa: Inta weerar ee Muqdisho ka dhacday kadib 8-da Febraayo 2017? Sababta wax looga qaban waayay? inta falal argagixiso ee laga hortegay? Sababta keentay inay kordhaan qaraxyada iyo dilalka, iyo qorshaha ay doonayaan inay wax uga qabtaan.
Madaxweynaha ayaa taliyeyaasha ciidamada u sheegay inaan a aqbali karin dilalka iyo qaraxyada maalin kasta Muqdisho ka dhacaya, wuxuuna ku amray inay soo qabtaan dadka dilka geysanaya ee haddana iska baxsanaya, isagoo sheegay sarkaalkii degaankiisa falal dil ah ka dhacaan in wax laga weydiiyo ee aan looga hari doonin “WAA BAXSADEEN..”
Wuxuu Farmaajo caddeeyay in shacabku la xisaabtamayo oo ay ka doonayaan tallaabo in la qaado, isaguna uu la xisaabtamayo saraakiisha ciidamada oo waajibaadkooda ay ka mid tahay inay badbaadiyaan dadka Soomaalida.
Kulanka madaxweyne Farmaajo iyo taliyeyaasha ciidamada oo ahaa mid ka duwan kuwii hore ayaa ui dhammaaday aamus iyadoo amarrada iyo su’aalaha madaxweynaha ay ku cuslaadeen saraakiishan oo muddo dheer xilalka soo hayay.
Goobjooge.com