Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ayaa la shaaciyey inay kulankoodii ugu horreeyey oo rasmi ah ku yeelan doonaan magaalada Helsinki ee dalka Finland, 16-ka July.
Waxaa arrintan xaqiijiyey labada dowladood maalin kadib markii la-taliyaha amniga qaranka Trump John Bolton uu la kulmay saraakiil sare oo Ruushka ka socdo uu Putin ku jiro, si loogu gogol xaaro kulanka.
“Madaxweyne Trump ayaa I weydiistay inaan imaado oo aan mas’uuliyiinta Ruushka kala hadlo kulanka labada madaxweyne” ayuu yiri Bolton oo weriyayaasha kula hadlay magaalada Moscow.
“Waxaa jira waxyaabo badan oo Trump iyo Putin ay si wada-jir ah xal ugu heli karaan, inkasta oo ay jiraan arrimo ay isku khilaafsan yihiin” ayuu yiri Bolton.
Kulanka ayaa ay xaqiiq tahay inuu sare usii qaadi doono isha sida goonida ah loogu hayo xiriirka Aqalka Cad uu la leeyahay dowladda Ruushka, ayada oo uu socdo baaritaan lagu hayo xiriir dhex maray ololihii doorashada Trump iyo saraakiil xiriir la leh Kremlin-ka, iyadoo Ruushka lagu eedeeyay in Ruushku uu ka caawiyey Trump doorashadii Mareykanka.