Ciidanka klumaandooska Xooga Dalka ee Danab ayaa weerar rogalcelis ah kala kulmay maleeshiyada Alshabaab, kadib markii ay ka qabsadeen degmada Awddheegle, waxaana ay saraakiisha ciidamada sheegeen inay weerarkaasi ku dileen xubno ka tirsan Alshabab.
Saraakiisha ayaa sheegay in Maleeshiyada Alshabaab loogu dilay weerarkaasi ilaa 4 maleeshiyo, loogana dhaawcay 5 kale, iyadoo weerarkoodiina dib loo waabiyey, wuxuuna weerarkii ahaa kii ugu horeeyay ee Alshabaab uga jawaabaan qabsashadii ciidamada Danab ee degmada Aw-dheegle oo dagaal la’aan ay uga baxeen.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegtay inay dagaal ku qaadeen ciidamada Mareykanku tababarray ay ka gubeen gaari kuwa dagaalka ah, ayna ku ekeeyeen weerar dhowr jiho ahyo.




