Sunday, July 13, 2025

Kumaandooska Somalia & Mareykanka ah oo Weerar Diyaarado loo adeegsaday ku qaaday degaan ka tirsan Sh/hoose


Ciidamada Kumaandooska Dowladda iyo kuwa Mareykanka ayaa weerarar maanta ku qaaday degaan u dhow degam Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Weerarkan ayaa waxaa qeyb ka ahaa laba Diyaaradood oo nooca Helikobtarka ah, waxayna weerar dhulka iyo cirka ah ku qaadeen sladhig ay Alshbaab ku leedahay degaanka Beladum amiin, iyadoo dadka degaanka ay maqleen rasaas xoog leh iyo dagaal muddo qaatay oo labada dhinac dhex maray.

dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Warbaahinta u sheegay in weerarkii lagu qaaday deegaanka Beladul Amiin ee Gobolka Sh/hoose khasaare lagu gaarsiiyay Alshabaab, loogana dilay horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan argaggixisada Alshabaab.

Alshabaab ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarkan, iyadoo dhinaca kale aan faahfaahin rasmi ah laga helin labada dhinac ee dagaalku dhex maray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON