Tuesday, July 1, 2025

Kursiga Mahad Cabdalla Cawad oo noqday kan ugu wareejinta badan (Halkee ku danbeeyay…?)

Kursiga Baarlamaan ee uu hadda ku fadhiyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalla Cawad ayaa noqday kursiga ugu wareejinta badan, iyadoo mar kale lagu celiyey Galmudug.

Kursigan oo sita astaanka (HOP#104) ayaa doorashadii 2016 wuxuu Mahad Cabdalla usoo wareejistay magaalada Muqdisho, isagoo xilligaas ku dooday inuusan amni iyo siyaasad ahaan tegi karin magaalada Cadaado oo kursiga ay ahayd in lagu doorto. (Halkan ka akhriso)

Xeerka Asteynta kuraasta doorashada 2020/2021 ayaa mar kale kursiga lagu celiyey Galmudug, iyadoo Guddiga xeerkan soo diyaariyey uu xildhibaan kasta kala tashaday halka loo geynayo kursigiisa, iyado aan laga talogelin odayaasha iyo beesha kursigaasi leh, taasoo keentay cabasho iyo qeylo-dhaan xoog leh.

Kursiga uu beeshiisa ku metelo guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Federaalka ayaa doorashada soo socota lagu wadaa in lagu celiyo Galmudug, inkastoo weli la isku heysto Qaabka Doorashadu u dhici doonto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON