Guddiga madaxa bannaan eexalinta khilaafaadka Doorashooyinka ayaa waxba kama jiraan ka dhigay natiijadii kasoo baxday doorashadii kursiga Cali Gaaf ee lagu doortay Cadaado.
Kursigan waxaa ku guuleystay agaasime ku xigeenka madaxtooyada Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim, laakiin qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa maanta lagu sheegay in Nabadoonka Beesha uu kursiga Cali Gaaf u asteeyay inay ku tartamaan haween.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in ergada aan ahayn tii nabadoonka soo gudbiyay iyo natiijada doorashada dhacday ay yihiin waxba kama jiraan, wuxuuna Guddigu caddeeyay in kursiga beesha Absuge ay ku tartamayaan haween.
Arrintan ayaa micnaheedu yahay in Kursiga ee uu ku guuleystay Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Saadaq C/kariin la baab’iyay isla markaana ay mar kale ku tartami doonaan haween oo kaliya.
AKHRISO QORAALKA
Goobjooge.com