Monday, July 7, 2025

Kursigii Guddoomiye Jawaari oo laga waayay Fadhiga Guddoonka ee Xarunta Baarlamaanka & Muudey oo gaaray..

Waxaa xarunta Baarlamaanka ee Muqdisho ku sugan xildhibaanno kooban oo u badan kuwa taageersan guddoomiyaha Baarlamaanka iyadoo markii saaka gudaha loo galay xarunta Baarlamaanka la arkay inuusan oolin kursigii Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaannada ku sugan gudaha Baarlamaanka ayaa soo duubay buuq iyo fowdo ay ka dhex wadaan gudaha Baarlamaanka iyagoo eedeyn u jeedinaya xukuumadda iyo madaxweynaha, waxaana ay keligood sameysanayaan sawaxan.

Xildhibaannada intooda badan ayaa ku sugan dibadda Baarlamaanka iyagoo sugaya inay galaan xarunta Baarlamaanka, waxaana gudaha baarlamaanka ku jira ciidamo hubeysan oo ay wataan guddoomiye Jawaari iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad.

Ciidamada Booliska oo aan hubeysneyn ayaa ku sugan qeybta hore ee guddoonka, waxaayna qeylo dhaan iyo sawaxan wada xildhibaannda koobnan oo markii ay video soo duubayaan ku dhawaaqaya ereyo ka mid yihiin inqilaab iyo 1969..

Guddoomiye Jawaari ayaa fariistay qeybta guddoonka waxaana ku wehliya guddoomiye ku xigeenkiisa Mahad Cabdalla iyadoo weli xaaladu aanay kala caddeyn sida xaaladu ku sii socon doonto.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey ayaa gaaray afaafka hore ee Baarlamaanka iyadoo ay galbinayaan gaadiid dhowr ah, waxaana la sheegay inuusan weli gelin gudaha Baarlamaanka

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON