Monday, July 14, 2025

Kursigii laga laalay C/qaadir Gaafow oo maanta dib lagu dooranayo Muqdisho [Yaa ku soo bixi doona..?]

Kursi muran badan ka dhashay  oo doorashadiisa ay farageliyeen Beesha caalamka, siiba dowladda Mareykanka ayaa maanta dib loogu dooranayaa magaalada Muqdisho.

Kursigan waxaa hore ugu guuleystay C/qaadir Gaafow Maxamuud oo la dhashay taliyaha Nabadsugidda C/llaahi Gaafow, waxaana Madasha Qaran qasab ku noqotay inay kursigan natiijadiisa laasho, doorashadiisana loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho, halkii ay Cadaado ka dhici lahayd.

Musharixiinta ku tartamaya waxaa ka mida:

C/qaadir Gaafow Maxamuud oo hore looga kansalay

Maxamed Maxamuud Guure oo ahaa wasiir ka tirsan Galmudug oo dacwad ku soo oogay

C/qaadir Xasan Warsame

C/qaadir Nuur Caraale

Tartanka kursiga ayaa ah mid adag oo laga cabsi qabo inuu waayo ninkii hore loogu doortay ee C/qaadir Gaafow.

Qalalaasaha uu dhaliyay kursigan ayaa keenay in la xiro wasiirka Galmudug ka tirsan, isla markaana mid kamida ergada lagu dilo Cadaado, iyagoo Taliye Gaafow lagu eedeeyay inuu walaalkiis garab ku siiyay si sharci darro ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON