Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Jowhar lagu qabto doorashada kursigii ugu horeeyay ee Beesha Abgaal oo haween ay ku tartamayaan.
Kursigan oo ah kan Beesha Galmaax ay ku leedahay Aqalka hoose ayaa noqday midka kaliya ee Beesha Wacbuudhan u qoondeysay inay haween ku loolamaan.
Waxaa tartanka ka baxay xildhibaanka difaacanayay kursigan kadib markii olole ballaaran oo ka yimid madaxtooyada uu kursigan ku noqday qoondo haween, waxaana ugu dambeyn isugu soo haray:
- Mina Xasan Shibis
- Bakiin Maaxi Macalin
Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in loolan adag u dhaxeeyo labadan musharax, laakiin waxaa Mina Xasan Shibis taageeray xildhibaankii hore Qaasim Cali Nuur oo ka carooday musharax Bakiin Maaxi, isagoo ku eedeeyay inay ka danbeysay ololihii kursigan looga dhigay mid ay haween ku tartamaan.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa laba musharax mid kasta taageero afka ah u fidisay, waxaana suuqa la geliyay in madaxtooyadu wadato musharax Bakiin Maaxi, inkastoo aan la arkin wax taageero ah oo ay siisay.
Kursigan ayaa la sheegay inuusan ka mid ahayn kuraasta dhaqaalaha badan lagu bixinayo, loolankiisuna yahay mid heer dhexaad ah
Goobjooge.com